Dowladda Federalka Somalia ayaa u muuqata mid kasbanayso Kalsoonida Dadweynaha taageersan Dowladda Federalka , kadib, markii horumar laga gaaray Dhismaha Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo K/Galbeed Somalia.
Taabagelinta Labadaasi Maamul oo ay Dowladda Federalka hayinka u haysay Qabsoomidiisa iyo Doorashadda Madaxda Maamuladaasi ayaa waxay Dowladda Federalka iminka hor yaala  Dhismaha Maamul-gobaleedka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Shalay ayey ahayd markii Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia lagu qabtay Shir looga hadlayey Maamul-u-samaynta Goballaddaa Hiiraan iyo Sh/dhexe , waxaana Kulaankaasi ka qeyb galay Madaxweynaha Somalia,  Xasan Sheekh Maxamuud,  Ra’isul-wasaare Sharma’arke, Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Kay, Ergayga IGAD ee Arrimaha Somalia, Maxamed Cabdi Afeey iyo Wakiillo ka kala  socday Beesha Caalamka.
Shirkaasi waxaa kaloo joogay Guddoomiyayaasha Labadaa Gobal iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beelaha wada deggan Goballadaasi ood-wadaaga ah.
Guddoomiyayaasha Maamul-gobaleedyadaasi, Cali Guud-laawe iyo C/fataax Xasan Afrax ayaana qalinka u duugay Oggolaanshaha Dhismaha Maamulkaasi.
Jadwalka shaqo ee Kulankaasi ayaana la iskula meel dhigay Hawl-fulinta iyo Taabagelinta Shirka lagu dhisayo Maamulkaasi.
Madasha Shirka lagu dhisayo Maamulkaasi ayaan weli la isla meel dhigin.
Guddiyadda Farsamadda ee Labada Gobal ayaana maanta leh Kulan ay kaga tashanayaan Qoddobadda u baahan in si hoose loo xeeriyo.
Qoddobadii shalay la isku raacay waxaa ka mid ah:- Diyaarinta Madasha Shirka, Ergooyinkaka qeyb galayo, ShirkaDib-u-heshiisiinta Beelaha, Xulashada Ergooyinka, Ansixinta Dastuurka, Dooraashadda Xildhibaanadda, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka.
Waxaa la filayaa in bisha December 1-da la qabto Xafladda lagudhaarinayo Madaxweynaha iyo  Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-gobaleedka Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Haddii lagu guuleysto Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxaa Dowladda Federalka ammaanku heli karta dadaalka ballaarinta Maamul-gobaleedyadda iyo Hagaajinta Nidaamka Federalka iyo Sugidda Guud ee Ammaanka.
Markaynu isku soo duubno, Tisqaadka Maamul-gobaleedyadda waxaa barbar socda caqabadaha taagan, oo ay ugu muhiinmsan tahay Sugidda Ammaanka Guud, Xadeynta sohdimaha Goballadda, Qeybsiga Kheyraadka, Dhismaha Ciiddan Gobaleed hoos imaanayo Dowladda Federalka, Shaqo-abuurka, Maalgashiga iyo in Madaxda Maamul-gobleedyadda loo jiheeyo Jadwalka Shaqo si aysan u  noqonin  Keli-taliyayaal Awood adeegsanayo amaba  ku caasi garoobaan dadka ku nool Goballadda iyo Dowladda Federalka.
WQ: Ustaad Nuradin Abokor AhmedÂ