Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxay maalintii 3-aad Kulan Khaas ah ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo Qoddobadda caqabadda ku ah in la sii ambaqaado Geeddiga Doorashadda.
7-da xubnood ee Madasha Wada-tashiga ayaa la sheegay inay weli xal u la’ yihiin dhowr Qoddob oo ka mid ah Arrimaha weli la isku haysto, inkastoo ay Ergooyinka Beesha Caalamka dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay Madaxda Soomaalida meel dhexe isugu imaan lahaayeen Muran-siyaasadeedka ka dhex aloosan.
Ilo-wareedyo ayaa sheegayo inay Madaxda isku hayaan qoddobadda kala ah: Masiirka 11-xubnood ee ay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ka saareen Liiska Xildhibaanadda cusub, waxayna inta badan Madaxda Madasha doonayaan in xubnahaasi ka sii mid ahaadaan Xildhibaanadda Cusub ee Barlamaanka soo socda.
Madashu waxay kaloo xal u la’ yihiin inay Madaxda Puntland ku qanciyaan inay ka laabtaan codsigooda ku aadan 2-da kursi laga siiyo Saamiga Beelaha Waqooyiga ku leeyihiin Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Waa hubaal in Qoddobadkaasi caqabad ku noqon doonto siiqada loo dhigayo War-murtiyeedka la filayo inay Madaxda  Madasha ka soo saaraan gunaanadka Shirkooda.
Sidoo kale, Beesha Caalamka iyo Madaxda Madasha ayey ka dhex calawsan tahay, waxayna Ergadda Caalamiga doonayaan inay Madaxdu oggolaadaan 11-ka xubnood ee laga saaray Liiska Xildhibaanadda iyo inay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda Dadban ka soo warceliyaan sida loo maareeyey 12-ka xubnood ee kale ee ay horey soo gudbiyeen.
Beesha Caalamka oo iyagu ah Deeq-bixiyayaasha ugu weyn ee Somalia waxay kaloo ka didsan yihiin qaabka ay ku soo baxeen Musharixiin horey loogu eedeeyey inay cod-bixinta u adeegsadeen cabsi-gelin iyo farsamooyin musuq ah oo ay Musharixiinta kale kaga guuleysteen.
Dowladda Maraykanka oo ka mid ah Dowladaha maalgelinta Dhaqaale, Siyaaso iyo Amni ku taakuleeya Hawlaha Dowladda Federalka waxay horey Qoraal uga soo saareen sida ay walaacsan yihiin Nidaamka Doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Caasimadaha Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug.
Qeylo-dhaanta Beesha Caalamka waxay saamayn xooggan ku yeelan kartaa Talo-qaadashadda Madasha Wada-tashiga Qaranka ee ku aadan sidii ay Doorashadda u noqon lahayd mid Hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, Shirka Madasha Wada-tashiga waxa uu dib-u-dhac kale ku keeni karaa Jadwalka Doorashadda Guddoonka Barlamaanka cusub iyo tan Madaxtinimadda.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo horey loo cayimay xilliga ay dhici doonaan Labadaasi Doorasho Qaran ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu Dib-u-dhac maalmo iyo isbuucyo kale ku imaan karo Doorashadda oo uusan haatan muuqanin u-diyaar-garowgeeda, marka laga reebo Musharixiinta u taagan Kursiga Madaxtinimadda oo iyagu sii kordhayey Ololahooda ku aadan Xilka Madaxweynaha.
©Radio Dalsan