Madaxweynaha muddada dheer ka talinaya Eritrea, Isasias Afewerki waxa uu la yimid Maskax Siyaasadeed cusub, si uu dalkiisa uga soo kabto Cunaqabataynta Caalamiga iyo Go’doominta ay Dowladaha deriska hor boodayeen.
Madaxweynaha Eritrea waxa uu dhawaan Heshiis la saxiixday Dowladda Eritrea, si looga gudbo Xilli-colaadeedkii u dhexeeyey labada Waddan, wuxuuna booqashadii u horreysay ku tegay bishan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba oo uu dhowr malamood marti u ahaa RW Abiy Ahmed, kana wada hadleen soo-celinta Xiriirka labadooda Waddan iyo Deganaanshaha Guud ee Mandiqadda.
Madaxweyne Efewerki waxa uu bilaabay inuu Madaxda dalalka deriska la kulmo, si loo xaliyo Khilaafyadii hore, wuxuuna casuumaadii ugu dambeysay u fidiyey dhigiisa Somalia, Maxamed C/lalahi Farmaajo, oo ay maanta booqasho 3 maalmood ah uga bilaabantay dalkaasi.
Inkastoo aysan Dowladaha Somalia iyo Eritrea haatan lahayn wax Xiriir Diplomaasi oo rasmi ah, haddana waxay Dowladda Eritrea galangal miisan leh ku lahayd Arrimaha Somalia 15-kii sanno ee la soo dhaafay.
Caasimadda Eritrea ee Asmara waxaa mar Hoy u noqotay Siyaasiyiintii Mucaaradka ku ahaa Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha U Naxariistee Kolonel C/llaahi Yuusuf Axmed.
Sidoo kale, magaalladda Asmara waxaa lagu xusuustaa iyadoo mar Madal Rasmi ah u ahayd Madaxdii Golaha Maxaakiimta Islaamka iyo xubno haatan Xildhibaan ka ah Barlamaanka DFS, waana Magaalladdii lagu soo dhisay Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia ee loogu yeeri jirey Isbahaysigii Asmara.
Golahaasi waxaa Siyaasad iyo Milliteri ahaan looga soo horjeeday Joogitaanka Ciiddanka Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalkeenna hooyo.
Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia waxaa xilligaasi u dhexeeyey Colaad iyo Is-nacayb Siyaasadeed, waxayna colaadooda si dadban ugu soo wareejiyeen ama ugu soo xawileen Gudaha Somalia, waxaana la sheegay inay labada dhinac kala taageeri jireen DKMGS iyo Golihii Maxkamadaha Islaamka Soomaliyeed.
Haatan oo ay Neecaaw cusub oo Diplomaasiyadeed laga dareemayo Bariga Afrika ayaa waxay Dowladda Eritrea guluf xooggan ugu jirta inay dalalka deriska u muujiyaan Diplomaasiyad deggan iyo Wax wada-qabsi cusub iyo in xilligii Ololka Dagaalladda lagu beddelo Nabad iyo Wada-noolaasho derisnimo.
Haddaynu falaanqeyn kooban ku samayno Waa Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tegay waa kii ugu horreeyey oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaasi 15-kii sanno ee la soo dhaafay.
Labada Madaxweyne waxay isla gorfeyn doonaan Soo-celinta Xiriirka Diplomaasiyadeed, Dhowrista Mdaax Bannaanida Somalia, Joojinta Faragelinta Arrimaha Daakhiliga iyo Qoddobadda ku xiriirsan Danaha Labada Dowladood iyo labada Waddan iyo Arrimaha Mandiqadda.
Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Madaxweyne Farmaajo hor taallo Fursad ay Eritrea gacan kaga geysan karto sidii ay Somalia uga gudbi lahayd Marxalladda haatan.
Waa maxay nuxurka Galaangalka Eritrea ee Hagaajinta xiriirka dowladaha Gobalka ?
QM iyo Dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia waxay si wadajir ah ugu eedeeyeen Dowladda Eritrea inay Faragelin muuqata ku hayaan Arrimaha Somalia, waxaana Dowladda Eritrea eedeymahaasi ku muteysteen inay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogaan Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ilaa iyo haatan saaran.
Dowladda Eritrea had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi.
Kooxda Baarayaasha QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta Hubka ee saaraan Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia and Eritrea) oo loo soo gaabiyo SMEG waxay soo gudbiyeen Warbixino ku adaan hadba xad-gudubka lagu sameeyo Cunaqabatayntaasi.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM oo tirsigiisu yahay 2385 ee soo baxay sannadkii hore ayaa waxa uu Baarayaasha QM awood u siinayaan inay Hawlaha Kormeerka Cunaqabatayntaasi sii wadaan ilaa laga gaarayo bisha December 15-da ee sannadkan 2018-ka.
Golaha Ammaanka ee QM waxay Kooxda Baarayaasha ee SMEG waxaa xilli hawleedkooda ku ansxiyeen Qaraar tirsigooda kala ahaa 2060, 2093. 2111. 2142, 2182, 2244, 2317 iyo 2385, kuwaasi oo la soo saaray muddadii u dhexeysay 2012-kii ilaa 2017-kii.
Dowladda Eritrea waxaa weli saaran cunaqabataynta Hubka ee QM oo la sheegay inay ku muteysatay Eedeynta ku aadan inay taageeraan Xarakadda Alshabaab oo iyagu dagaal xooggan kula jira DFSÂ oo ay QM aoonsan tahay iyo Ciiddanka AMISOM.
Golaha Ammanaka ee QM waxay kaloo Madaxda Dowladda Eritrea ku soo rogeen Xayiraadda dhinaca Socdaalka, isla markaana laga wada xanibay dhamaan Lacagihii u yaallay Bangiyadda Caalamka.
Kulankii u dambeeyey ee ay Golaha Ammaanka ee QM bartamihii bishan July yeesheen waxay hakiyeen Codsi uu Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka Ethiopia, Abiy Ahmed ku doonayey in Dowladda Eritrea laga qaado Cunaqabataynta ay QM ku soo rogtay.
Laakiin xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo RW Abiy Ahmed la kulmay waxa uu tilmaamay in Eritrea laga qaadi doono Cunaqabataynta, inakstoo uusan Xilli Rasmi u qabanin waqtiga Eritrea laga dul-qaadi doono Cunaqabataynta QM.
Dowladda Eritrea waxay haatan dareemaysaa Yididiilo ku aadan in laga qaadi doono Cunaqabataynta QM, wuxuuna Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki dareemay Fursad Siyaasadeed, kadib, markii uu Heshiiskii u horreeyey la galay Madaxda dalka Ethiopia oo ay ka dhexeyn jirtey Colaad Gaamurtay.