Isboortiga sidiisuba waa muhiimad baaxad weyn,magac iyo maamusna kuleh caalamka,dalkeena Somalia oo kamid ah caalamka ayaa waxaad moodaa isboortiga dhexyaala iney heystaan xeyn daabyo fara badan oo uu la tilaabsan la’yahay isboortiga dalkeena.
Sida la wada ogyahay,soomaliya kooxihii soo maray waxaa lagu xuli jiray xirfad iyo karti ciyaartoygu uu leeyahay mana aheyn anaa aqoon ee igu dar iyo hadan lagu darin waxba socon mayo,waxaan sidaa u leeyahay qaranka Somalia ciyaartoyga u dheela 26 sanadood guuldaro maahine wax guul lagama hayo taasna waxaa ay niyad jab badan ku keentay ciyaartoy badan oo ay maanta macquul ahaan laheyd iney caalamka magac ku yeeshaan sumcadna u soo jiidaan dalkooda hooyo ee Soomaaliyed ayaa laga tagay waana gunta guuldarada.
Isweydiinta ma xumee maxey tahay guuldarada,Yaa la weydiin masuliyadaa jawaabta aan idin daayo.
Dhinaca kale hadan ka fiirino kubada mideeda ugu xiisaha badan waxaa ay aheyd ciyaarihii gobolada dalka Somalia oo ay ka soo bixi jireen ciyaartoy guulo badan u soo hooyay qaranka Somalia,tusaalana kuugu final,dheymankii madoow cabdulaahi cabdi,Satihii Africa Muriidi Abati Abanuur,Bin shaakir,Aweys Cuti,ducaale,shiiqaalow iyo kuwa kale oo fara badan.
Ciyaartoydaas waxaa ay ahaayeen 70-meyadii ilaa 80-meeyadii Udub dhaxaadkii ciyaarihii Somaliya gaar ahaan kubada cagta Somalia,waxaana lagu soo wada xulay xirfadooda ciyaaryahanimo oo waxaa laga soo xulay gobolada dalka oo maanta la gacan bidxeynayo Waxaan u soo qaatay tusalahaa qaabka mugdiga ku jiro ee maanta lagu xusho ciyaartoyda qaranka Somalia ee aan la siin wax dhira gelin ah hadey tahay madax iyo maamul hooseba.
Waxaan sidaa u leeyahay ciyaaraha hada ka socda Koonis Stadium ee ku magacaaban maamul goboleedyada kii Wasiir ahaa iyo kii ganacsi hayay waa kuwaa habeen walbaa marti qaadka ladaba taagan iyo dhiiri gelinta ciyartoyga kasoo jeeda magacyada maamulgoboleedyada ay kasoo kala jeedaan.
Ma Mideyn mise qeybin wax kale,Koonis waxa ka muuqda,hadaanu arinku sidaa aheyn Yaa u hayo jawaab,balanqaad qura oo loo sameeyay qaranka soomaalida ee dibada u baxaya af iyo adinba,madax iyo maamul midkuu ahaadaba mid u sameeyay majiraa Uma hayo jawaab,waxaan sidaa u leeyahay ciyaartoyda kasocda maamul goboleeda balanqaadkooda waa mid muuqdoo bulanshadana wada ogtahay.
Banadirood ka badidaan midkastaba kunbuu leeyahay jubaland bey aheyd,wasiirbaana ku dhawaaqay,arin weeye wanaagsan kudayashana mudan su’aashusu waxey tahay ciyaartoyda qaranka Somalida miyaanu laheyn madax,dalku miyaanu mataleyn.
Waxaan taa ka wadaa dhiiri gelintooda ha badato shacabkana ha ogaado,kuwa soo xulay misana raaca xaqiraada haka deeyeen,waa fariin gaar ohoo u dirayo xiriirka.
Bal u fiirso garoonka Koonis Stadiyom,waxaa hareeyay dhamaantii waa calamadihii maamul goboleedyada Aaway calankii Buluuga ahaa ee Soomaali dhan u dhaxeeyay mise kuwaanbaa lagu iloowoo waxa socda sidaas ah.
Ujeedkeyga waxaa uu yahay Dhalinta meesha wada joogta hala tuso calankooda midka ah ,hana lagu baraarujiyo midka ay matalayaan iyo kuwa kale dhamaan buluugle inuu ka weyn yahay.
Hadii intaas la waayo qaado oo haka tagin cinwaanka qormadeyda ee ah Ma Mideyn,mise qeybin wax kale,waxa yaala koonis. Gunta aan u soo dago,Runta lagama reysto qof kuu sheegay dhaliishadana ogow inuu ku saxay qofkaa,hadan micneeyo hadalkan,xiriirka Somaliyeed ee kubada cagta qofki sheega dhaliisheeda maxaa ka ooday garoonka ,haduu yahay saxafi wartabiya ah iyo mid muuqaal ku leh bulshada,kii wax naga sheegaa nama soo galo hadu yahay hadalkiina howshu waxey joogtaa dhaan dabagalaan wadnaa, taariikhduna waa mid qormeysa takta iyo timaadaba daahna qarin mayo.
Bal dhankale aan ka eegno shilimaad aad bixiso,shaqsiyaadna aad siiso si ay taada u qaataan runtana ay u daboolaan ineysan taasi sax aheyn waahoraa la ogaaday,dib u fiirsha kuwii idinka horeeyay bilowgoodii shaqada iyo wixii ay ku seegeen.
Qofkastaba wuxuu yahay buun ahaan lacag kasta uu bixiyo. Ka hor wareega saxaafada oo kala sooca ka daaya,runta hasoo bandhigeen Midna xusuusta ku dara oo haka saarinta Seplatet iyo ,Balatina,aaway sumcadoodii ,maxaa dilay oo duugay,qofkastow ogow qof kala ku arkayo,waana marqaati aadan ogeyn.
Gunta hadalka waxaa uu yahay ciyaartoyda halagu xulo midkasta xirfadiisa,waxa maanta muuqdaa waxa keenay in la soo bandhigaa Aaraah uruurtayo macaan iyo qaraar wada ximbaarsan intaba mudankeeda waa kane qofkastow wax ku qaado oo wanaaga abaar.
Magac hayeesho miisaanka ciyaaraha qaranka somaliyeeda, ciyaartoyda la xulayana gobol , degmo iyo tuulo kasto dalkeena haloo diro gudiyo kasoo xusha ciyaartoy oo xambaarta magaca qaranka,tusaaluhuna ha ahaaddo inta haatan wada timid ee laga keenay gobolada ee casimadii ku dur duriyay halaga xulo ciyartoy kuwii horana ku xoojiya.
Taladeyda waxa ay tahay Xiriirka soomaaliyoow ee kubada cagtaw horyaalka fidiyoo gobolkasta hala geeyo horyaalkasta ee la qabanayo Muqdisho yaan lagu koobinee dalka oo dhan u qeybsha xiriirka soomaaliyeedow taladeyda waa taa.
Hadii taa la diidina midaad wadaan hasocoto maalinbey ku ekaane,Abaalkedana leydin siin.
Hadaad taasi diidaan la midooba balatar iyo diiqaa reer France,hadalkeyguna hajoogo ma mideyn mise qeybin Wax kale waxa yeela koonis stadium.
Waxaa Diyaariyay Oo Soo Jeedinaya Maxamed Qadar Ibraahim Daahir