Tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, Madaxda Madashada Wada-tashiga Qaranka (NLF) waxayu Kulan Khaas ah ku lahaayeen magaalladda Muqdisho, taasi oo la sheegay inay kaga wada hadli doonaan Ajendayaal khuseeya Doorashadda iyo Tebashadda Maamulka Puntland ee Saamiga ay Beelaha Waqooyi ka heleen Aqalka Sare ee Barlamaanka Cusub.
Kulanka Madasha waxaa soo xaadirtay 5 xubnood, iyadoo Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu xilligiisa dhamaaday, Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ay ka baaqsadeen inay Shirkaasi ka soo qeyb galeen.
Fasiraaddo kala duwan ayaa lagu micnaayey maqnaanshhooda, iyadoo uu Cumar C/rashiid socdaal ku joogo Nairobi, kaasi oo qeyb ka ah Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda, wuxuuna Madaxda uu Nairobi kula kulmay ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Maamulka Somaliland, ahna Musharax Madaxweyene Cumar Maxamed C/llaahi “Cirroâ€.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa isagana markii Labaad ka baaqday Shirka Madasha, malaha waxa uu dareemay inuu Shirkoodu noqday sidii Shirka Jaamacadda Carabta, ee aan la fulin Go’aanadda lagu gaaro.
Waa hubaal in Madaxda Madasha Wada-tashiga, gaar ahaan xubnaha ka socda Dowladda Federalka inay yihiin Shaqsiyaad uu Xilli-hawleedkii loo idmaday ka dhacay, isla markaana ay yihiin Sii-hayayaal Madaxweyne, Ra’isul-wasaare iyo Guddoomiye Barlamaan.
Waana Eray-bixin Caalami in Madaxda uu xilligu ka dhaco ee sifo kasta ha sababtee aan Kursiga ka deign ama Xilka wareejinin loogu yeero Sii-hayayaal (care-takers).
Waana xaqiiqo marka loo kuur-galo xubnaha Madasha inay wada yihiin Siyaasiyiin Damac-doon Maamul ku jiro, haba ugu horreeyaan kuwo  caddeeystay Bareeraahooda Musharax Madaxweyne.
Waana hubaal inay Madaxda Madasha Wada-tashiga yihiin Koox Siyaasadeed Danley ah, kuwaasi oo had iyo jeer Xeer Jajab ka gaara Qaddiyadaha ay isku maan-dhaafsan yihiin.
Sii-hayaha Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaana u muuqda Hoggaamiyaha ka macaashayo Shirarka Madasha, maadaama ilaa 3 jeer Xilli-kordhin KMG ay u ansixiyeen, iyadoo aan la ogayn sharciyadda ay Madaxda Madasha u cuskanayaan Xilli-kordhintaasi.
Xilli-kordhinta ay Jaallayaasha Madasha u riyaaqsan yihiin waxay Musanaaw Siyaasadeed iyo Dhabana-hays ba’an ku reebaysaa Siyaasiyiinta Dibed-joogga ka ah Madasha, oo ay ka mid yihiin Musharixiinta, Xisbiyadda Siyaasadda, ASWJ iyo Ururradda Bulshadda Rayidka.
Sidoo kale, Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka waxay go’aan ka gaareen Jadwalka Doorashooyinka ee dhowrka jeer dib u dhacay, waxayna warar ku dhowdhow sheegayaan in Doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkan.
Madasha Madasha Wada-tashiga Qaranka waxay kaloo go’aan ka soo saareen Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta ku loolami doono Xilka Madaxweynaha JFS, waxayna Shuruudahaasi kala yihiin:-
- Inuu Musharax Madaxweyne kasta bixiyo Kharajka Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollarka Maraykanka.
- Inuu Musharax kasta taageero ka haysto ugu yaraan 30-Xildhibaan oo xaq u leh inay codeeyaan.
Si kastaba ha ahaatee, ma la oran karaa Madasha Wada-tashiga Qaranka waa Gole Siyaasadeed oo Wada Xil-doon ah.
©Radio Dalsan