Dal burbursan, Dad kala maan ah, Xuduud Baylahan, Badda la iska boobayo, Abuuris Xiisado Colaadeed, Dagaal caynba cayn ah, Hawlgal Ujeedo badan ah,  Danaysiga Beesha Caalamka, Malla-awaalka iyo Rabitaanka Shaqsiyadeed, Isbahaysiga ama Kooxo Halgan ugu jira Madasha Madaxtinimo ayaa waxay mustaqbal la’aan dhigeen Jiilal badan oo lafdhabr iyo Halyeeyo u noqon lahaa Ummadda Soomaaliyeed.
Boholyow nololeed, Kala shaki, Aaano Qabiil, Qaxootinimo iyo Qaxarka Guud ayaana lagu nolol qaadanayaan, waxaana Xaalladda Somalia ee Xilligan laga dhigtay Muuqaal ay Beesha Caalamka ku tusaale-qaataan Qaran burburay.
Tiirkii Midnimadda Ummadeed ee Soomaalida ayaa waxa uu u liicay sidii Leexada oo kale, waxaa kalsooni-darro iyo colaad ba’an dhex martay Ummadda Soomaaliyeed ee ku mideysnaa Dalka keliya ee Somalia.
Halgankii Gobanimadoonka ee loo huray in Khatar kasta loo galo, oo Kumanaan Muwaadin Soomaali ayaa u dhaawacantay, u muteysay Xabsi iyo Cadaab laga argagaxo.
Kumanaan kale ayaa noqday Shahiideen dhiigooda iyo naftooda qaaliga Su huray Hiigsiga Gobanimadda iyo in la iska tuuro  Heeryaddii Gumeystayaasha iyo in la helo Somali Xor ah, Mideysan, Mustaqbal leh, isla markaana ku caana maala Dowlad Midnimo Qaran.
Waa Hubaal inay Waddaniyiinta Soomaalida ee xiiligan dhabano-hays ka qaadeen Xaalladaha murugadda leh, Midnimo la’aanta, rajo-beelka ah ee ay  dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku waayo qaadanayeen  laga soo bilaabo Burburkii Dowladdii Kacaanka ee bilowgii sannadkii 1991-kii.
Habacsanaanta Dareenka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Tabar-yarridda Dowladihii soo maray Talada dalka iyo Qalalaasaha Midnimo la’aanta ayaa waxay dhiirigelisay inay Dowladaha deriska ka xishoon waayeen inay Olol kale ku sii shidaan Colaadda aan dhamaadka lahayn ee Somalia, waana hubaal in ay dalalka deriska dan ugu jirto Burburka Qaranka Somalia.
Aragtida dalalka Gobalka kaga soo horjeedaan Midnimadda iyo Mustaqbalka Somalia ayaa waxaa lagu fasiri karaa Istaraatijiyad ay ku doonayaan inay kaga hor tagaan Midnimadda iyo Dowladda Soomaalida, iyagoo rumeysan haddii ay Soomaalida midoobaan inay taasi dib u soo nooleyn karto Awooddii Ciiddan iyo Hodantinimadda Somalia.
Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi ayaa waxa uu mar kale ka shanqariyey inaysan Dowladaha Gobalka jecleyn inay mar kale curato Somali-weyn Mideysan, wuxuuna ka digay inat taasi soo laba kaclayn karto Hamiga Soomaalida ee ay ku baadi-goobi karaan Midnimadda Qaranka, iyo dhulalka ka maqan, sida Goballadda NFD ee W/bari Kenya, Dhulka Soomaalida ka degaan Ethiopia iyo dalka Djibouti.
Daniel Arab Moi oo Madaxweyne ka ahaa dalka Kenya sannadihii 1978-kii ilaa  2002-dii ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu ka jeediyey Jaamacadda Gaashaandhiga Maraykanka “ TheAmerican Defence University†oo ku taalla caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC.
Moi oo lagu casuumay inuu jeediyo Khudbad, ayaa ku tallax tegay Arrimaha Somalia iyo Istaraatijiyadda ay Dowladdaha Gobalka kaga soo horjeedaan Somali Mideysan “A United Somali Countryâ€.
Waxa uu tilmaamay haddii ay Soomaalida dib u hantaan Midnimadda iyo Deganaanshaha inay mar kale dib u soo gocan doonaan Midnimadda Somali-weyn, isla markaana ay Halgan Hubeysan u geli doonaan si ay u hantaan dhulka ka maqan.
Hadalkiisa ayaa waxa uu daah-fur ugu muuqdaa Siyaasadda Dahsoon ee Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ka leeyihiin Qaddiyadda Somalia, waxaana hubaal ah in Hawlgalka Askarta Kenya iyo Ethiopia u joogaan gudaha Somalia inay tahay Maadeys Milliteri oo lagu diidan yahay Somali Mideysan.
WQ: Mohamed Ahmed Jelle