Jahwareer Siyaasadeed, Bulsho iyo Mustaqbal ayaa waxa uu dakanbaabi ka dhigay Deganaanshihii Siyaasadeed ee dalka iyo fowdada ka dhalatay Hab-raacii Dastuuriga ee Xilli Doorashada Kursiga Madaxtinimada ee Qori-isku-dhiibka ahaa.
Madaxda qeybaha Siyaasadda ee dalka ayaana loo aanaynayaa Qalalaasaha Siyaaso ee majarahii saxda ahaa laga weeciyey, iyadoo la qiri karo inay Siyaasiyiinta noqdeen kuwo ku hirta Xukun-jacayl, Saraynta Hamiga iyo Go’aankooda iyo inay isku milmaan Ahdaafta Mas’uuliyiin Qaran iyo Danaha Qoyseed iyo Qabyaaladeed.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Somalia weli qarka u saaran tahay Dagaal Siyaasadeed, iyadoo ay weli muuqdaan diiftii laga dhaxlay Colaadihii Sokeeye ee soo dedejiyey Qaran Burburkii dalkeena.
Saansaanta Siyaasiyiinta ka dhex muuqday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaana loo aanayn karaa Deganaansho La’aanta, Caburinta Siyaasadeed iyo Xal-ku-doonka Hubeysan ee Goobjooga loo wada yahay.
Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ayaana u muuqda kuwo kala jiidanaya Masiirka Qaranka, iyadoo uu mid kasta uu mudnaanta Koowaad siinayo Danihiisa Khaaska iyo inay Hanqal-taag Xooggan la liicayaan.
Siyaasiyiinta ka muuqda Masraxa Xil-doonka iyo Hamiga Kursiga Madaxtinimada ee qotoma Villa Somalia waxay ku kala sidkan yihiin DFS, Dowlad-gobaleedyada iyo Siyaasiyiinta Isbahaysiga Murashixiinta iyo kuwo kale oo aan weli soo shaac bixinin.
Madaxweynaha xil-hawleedkiisa dhacsan yahay, kuwii Kursiga Villa Somalia uga horeeyey ayaana loo arkaa ubucda xasaasiyada uguna misiaanka culus ee xilligan, waana arrinta dhaxalsiisay inuu Khilaafkooda aad u karar-dhaafay.
Markaynu milicsano Masraxa Siyaasadda iyo dhowrkii bilood ee u dambaysay waxaa la qiri karaa in Calawsanaan ka dhalatay Heshiisyada Nidaamkii Doorashooyinka ee Villa Somalia lagu kala saxiixday bishii September 17-dii ee sanadkii hore iyo kii magaalladda Baydhabo la gaaray 16-kii Feberaayo ee sanadkan.
Meel-marin la’aanta Heshiisyadaasi waxa uu dib-u-dhac kale u keenay Qabsoomidii Doorashada Madaxweynaha , ee qorshuhu ahaa inay dhacdo bishii Feberaayo 8-dii, balse, Khilaafka taagan uu sababay inuu Madaxweynaha xilligu ka dhamaaday uu weli sii hayo Saldanada dalka dhowr bilood oo dheeraad ah.
Isku-dayo badan ee Shirarkii DFS iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyada iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaan weli dhaqan gelin, iyadoo Heshiiskii ay 27-kii bishii May ee sanadkan ku gaareen Teendhada Xerada Afisiyoone uu fadhiid noqday, maadaama la dhaqan gelin waayey Jadwalkii Qabsoomida Dooarshooyinka ee loo qabtay muddo 60-ka maalmood.
Mar kale ayaa waxay RW Rooble, Madaxda Dowlad-Gobaleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir shalay isku waafaqeen Heshiis iyo Xilli Cusub ee Qabsoomida Dooarshooyinka Xildhibaanadda cusub ee Golayaasha Barlamaanka Federalka (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) iyo Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.
Bayaanka laga soo saaray Shirkaasi ayaana lagu soo bandhigay Jadwalka Cusub ee Xilliga ay Doorashooyinkaasi dhici doonaa, iyadoo loo qorsheeyey sidatan:-
1- Bisha July 25-da waxaa dhici doonta Doorashada Xildhibaanadda Cusub ee Aqalka Sare ee BFS
2- Bisha August 10-da ilaa September 20-da waxaa la qaban doonaa Doorasadda Xildhibaanadda Cusub ee Golaha Shacabka ee BFS.
3- Qoddobka ugu muhiimsan ayaa ah in bisha October 10-da loo asteeyey Xilliga la dooran doona Madaxweynaha 10-aad ee JFS.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Doorashadda soo socota aysan waxba ka duwanaan doonin Xeelladihii Dufanaysnaa ee hore loogu soo doortay Xildhibaanada Labada Gole ee BFS iyo Madaxweynaha JFS.
Nidaamka Doorashadda Dadban ayaa la rumeysan yahay Doorasho u nugul qaladaad farsamo, Hawl-Fududeyn, Dhaqaale Cod lagu bedesho, Kalsooni xumo, Musuq iyo Daah Furnaan la’aan.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa u hamuun qaba Doorashadda dadweyne ee ku dhisan Hal qof iyo Hal Cod (One Person and One Vote), si ay u soo doortaan Madaxda Qarankooda.
Balse, dalkeena wax Doorasho Toos ah ee Qof iyo Codkiisa kama aysan dhicin tan iyo xilligii Dowladihii Rayidka ee soo maray dalkeena ka hor sanadkii 1969-kii.