Gaari xamuul oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxaa ayaa lala beegsaday Xarunta Maamulka Dowladda Hoose ee Waqooyiga magaalladda Gaalkacyo oo hoos taga Maamulka Puntland.
Dadka Deegaaanka ayaa sheegay inay maqleen Qarax Xooggan iyo Darruur xooggan oo cirka isku shareeray.
Qaraxyadaasi oo loo adeegsaday Gaari Waaraad iyo mid Noah ah ayaa waxay khasaaro xooggan u geysteen dadkii ku sugnaaa iyo kuwii ganacsanayey Suuq Dayax oo uu ku yaallo Xarunta Deegaanka ee la weeraray.
Ilaa 20 qof oo uu ku jiray Taliyihii Ciiddanka Deegaanka Maamulka Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku geeriyootay Qaraxyadaasi.
Waxaa kaloo ku dhaawacmay Tobaneeyo qof, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaalka Dhega-cadde ee Waqooyiga Gaalkacayo.
Weerarkaasi ayaa la sheegay in lala beegsaday Shir ay Duqa W/Gaalkacayo iyo Ciiddanka Deegaanka ku lahaayeen Xaruntaasi oo looga hadlayey Dardar-gelinta Hawlaha Canshuur-Ururinta.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyaddii Is-miidaaminta ee maanta ruxay Waqooyiga Gaalkacayo.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Falal Is-qarxin ah oo ay Kooxda Alshabaab ka geystaan magaalladda kala qeybsanb ee Gaalkacayo.
© Radio Dalsan
Â
Â