Luqmaan Osman Issa oo ah Kenyaan ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee dhawaan ku geeriyooday iska horimaadkii Alshabaab iyo ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Degmadda Laamu ayaa la sheegay inuu ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Uganda University.
Bashiir Osman Issa oo ah Walaalka ka weyn Marxuumka la dilay oo shalay Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa ayaa sheegay inuu walaalkiisa dhashay sannadkii 1984-kii, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab sannadkii 2009-kii.
Bashiir Osman Issa waxa kaloo uu sheegay markii uu Luqmaan ku biiray Alshabaab inuu jaray xiriirkii uu la lahaa Familkiisa, kadib, markii ay u sheegeen inuu joojiyo Telefoonadda uu u soo diri jirey Familka, waa sida uu hadalka u yiri.
Mar wax laga weydiiyey heerka waxbarasho ee Luqmaan, waxa uu tilmaamay inuu Waxbarashadiisa  ku soo qaatay Dugsiyadda Abu Hurerya Secondary school iyo  Darul Ulum secondary school ee magaalladda Mombasa.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Luqmaan ka qalin jebiyey Jaamacadda Uganda University sannadkii 2009-kii, kana soo qaatay Shahaadada Maamulka Ganacsiga (A bachelor in Business Administration).
Luqmaan Osmaan Issa oo loo yaqiinay Shirwac iyo Dagaalame kale oo Kenyaati ah, Saciid Cabdalla Xamad oo lagu naanaysi jirey Saciid Xamsa ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday Iska-horimaadkii  Alshabaab iyo ciiddanka Kenya dhawaan ku dhex maray meel ku dhow Xeradda Milliteri ee Baure ee duleedka Laamu.
© Warqabadka Dalsan Radio