3 qof ayaa ku geeriyootay, 5 kalena wey ku dhaawacantay qarax duhurnimaddii maanta ka dhacay afaafka hore ee Baar Rajo oo ku yaalla Xaafadda Beyxaani ee Degmadda Shibis ee magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la hor dhigay Baarka Rajo, kaasi oo la qarxiyey xilli ay dadka macaamiisha u ah Baarkaasi u fadhiyeen inay qadeeyaan.
Afhayeenka waxa uu beeniyey in qaraxaasi lala beegsaday Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda oo xilligaasi ka qadeynaysay Baarka.
Dadka ku geeriyooday qaraxaai waxay ahaayeen dad rayid ah, waxaana ku jiray mid ka mid ah ciyaalka baabuurta dhaqa.
Dayanka qaraxaasi waxaa la maqlay inta badan Degmooyinka magaalladda Muqdisho, mana jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxaasi.
Qaraxan ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii ay Ciiddanka NISA fashiliyeen gaari miineysan oo la hor dhigay Baar ku yaalla agagaarka Taalladdii Xaawa Taako ee magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan
Â