Wararka laga helayo xeebaha gobolka Nugaal, gaar ahaan degmada Eyl, ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay afduubteen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen.
Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijinayaan, doontan ayaa si sharci ah uga kalluumeysaneysay biyaha Puntland, balse waxay noqotay bartilmaameed ay weerareen kooxo burcad-badeed ah.
Sida la xaqiijiyey, dableyda afduubka geysatay ayaa kasoo jeeda degmada Eyl, waxaana la aaminsan yahay inay doonayaan madaxfurasho, sida dhacdooyin hore oo lamid ahba ay muujinayeen.
Laamaha amniga Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin dhacdadan, hase yeeshee saraakiil ammaanka ka tirsan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey afduubka.
Ilo-wareedyadu ma shaacin tirada shaqaalaha saarnaa doonta la qafaashay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay milkiilayaasha doonta ama dowladda Yemen.
Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khatarta burcad-badeednimada, inkastoo sanadihii u dambeeyay ay yaraadeen weerarrada noocaan ah.
Dhammaadkii bishii November ee sanadkii 2024, dabley hubaysan ayaa xeebaha Puntland ku afduubtay markab kalluumeysi oo laga lahaa dalka Shiinaha, kaas oo markii dambe la sii daayay ka dib markii la bixiyey lacag madaxfurasho ah.
Waxaa muuqata in weerarrada noocaan ah ay mar kale soo laabanayaan, taasoo walaac hor leh ku abuureysa shirkadaha kalluumeysiga iyo laamaha amniga ee Puntland.
Waxaa la filayaa in maamullada Puntland iyo hay’adaha ammaanku ay ka hadlaan dhacdadan, si loo caddeeyo xaaladda dhabta ah ee doonta la afduubtay iyo waxa laga fili karo burcad-badeedda gacanta ku haysa.