Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaal culus oo dhexmaray dagaalamayaasha Al-Shabaab (AS) iyo ciidamada deegaanka ee Macawisleyda, kaas oo shalay si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Cadow Gureey, oo hoos yimaada Beerayabaal ee gobolka Hiiraan.
Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah iyo xubno ka tirsan ciidamada Macawisleyda, dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid muddo saacado ah socday, isla markaana keenay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada deegaanka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degaannadii lagu dagaalamay.
Saraakiil ka tirsan Macawisleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku uu dhacay kadib markii ay heleen xog ku saabsan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay isku uruursanayeen deegaanka Cadow Gureey maalmihii lasoo dhaafay.
Waxay sidoo kale sheegeen inay dagaalka ku gaarsiiyeen jab culus kooxda Al-Shabaab, taas oo ay ku tilmaameen guul muhiim ah oo ay ka gaareen difaaca deegaankooda.
Xaaladda guud ee degaannada lagu dagaalamay ayaa saaka degan, inkastoo cabsi laga qabo in dagaallo kale ay mar kasta qarxaan maadaama xiisaddu weli taagan tahay.
Tirada rasmiga ah ee dhimashada wali lama xaqiijin, hase yeeshee ilo-wareedyo kala duwan ayaa soo sheegay in dagaalka uu sababay dhimashada dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyo sidoo kale xubno kamid ah ciidamada deegaanka ee Macawisleyda.
Waxaa xusid mudan in dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Macawisleyda ay ku soo badanayaan gobolka Hiiraan iyo shabeelahah dhexe, iyada oo ciidamada deegaanka ay door muuqda ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.