Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay laba qarax oo saaka ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxyadan oo si aad ah u saameeyay deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday suuqa weyn ee Tabeelaha Sheekh Ibraahim, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Dadkii goob joogga ahaa ayaa sheegay in qaraxyada ay sababeen burbur xoogan, iyadoo inta badan goobaha ganacsiga ee deegaankaasi ay ku gubteen dabka ka dhashay qaraxyada. Waxaa sidoo kale la sheegay in sababta loo qarxiyay suuqa ay la xiriirto amar ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay ganacsatada, kaas oo ku saabsan xirashada Kaamirooyinka CC Tv si loo adkeeyo amniga.
Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in falalkan ay yihiin kuwo argagax leh, iyadoo maalmahanba weeraro qaraxyo ah ay ka socdeen duleedka caasimada Muqdisho. Waxaana si gaar ah xusid mudan weeraradii qaraxyada ahaa ee dhowaan ka dhacay suuqyada waaweyn ee Ceelasha Biyaha, kuwaas oo iyagana sababay khasaare hantiyeed oo aad u weyn.
Qaraxyadan iyo weerarada kale ee ka dhacaya duleedka Muqdisho ayaa muujinaya xaaladda amni ee weli cakiran ee ka jirta caasimadda iyo nawaaxigeeda, taas oo culays ku ah nolosha dadka deegaanka iyo ganacsatada suuqyada ku tiirsan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday in ay adkayso ammaanka goobaha ganacsiga, hase yeeshee falalkan argagixisanimo ayaa sii kordhinaya cabashada iyo walaaca ay qabaan dadka shacabka ah.