Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax gaari oo saakay ka dhacay xaafada Galmudug kaas oo geystay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca Soomaalida u taqaano Kaarib,waxana Qaraxa gaariga  uu ka dhacay meel ku dhaw Xerada ciidanka asluubta, gaar ahaan daarta maslax agtiisa.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in gaariga ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaarayey ilaa Saddex,isla markaana ay qaraxaasi ku geriyoodeen.
Bur bur xoogan ayaa sidoo kale gaarey gaariga,iyada oo qaraxa ka dib ay gurmad ahaan halkaasi u gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo xiray aaga goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Gawaarida qaraxyada lagu xiro ayaa inta badan ka dhaca Gudaha Magalada Muqdisho waxana dhowr todobaad ka hor agagaarka Taalada Daljirka Daahsoonee degmada Boondheere ka dhacay qarax gaari lagu xirey,taas oo sababtay dhimashada Darawalkii Gaariga iyo dhaawac Saddex ruux.