Hadal ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Ciiddanka Sudan ayaa lagu sheegay inay Diyaarad Helikopter ah maanta ku burburtay Gobalka Niilka Cad (The White Nile State).
Diyaaradaasi ayaa burburtay, xilli ay Duullimaad Tababar ku jirtay, waxayna ku burburtay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Kenana Airbase, iyadoo dhamaan shaqaalihii Diyaaradaasi ay ka badbaadeen shilkaasi.
Shilkaasi waxa uu noqonayaa kii 2-aad oo Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Sudan leeyihiin ay burburto dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Bishii Janayo 16-dii ee sanadkan, Diyaarad Helikopter oo nooceedu ahaa (Apache Attack Helicopter) ayaa ku burburtay Bariga dalkaasi, una dhow Xuduudka Ethiopia.
Diyaaradda oo waday shixnad hub iyo rasaas ayaa burburtay, wax yar kadib, markii ay ka hinqatay Garoonka Diyaaradaha ee Wadi Zayed oo ka tirsan Degmadda Al-showak ee Gobalak Al-qardif.
Saddex Duuliye oo la socotay Diyaaradaasi wey ka badaadeen shilkaasi.
Ma kala cadda sababta ay Diyaaradda u burburtay, inkastoo ay Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA xilligaasi baahisay inay Diyaaraddu burburtay, isla markii ay ka kacday Garoonkaasi.
Ustaad Nuradin