Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilal qosrheysan oo xalay Kooxo hubeysan ay ka geysteen Xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid ee Magalada Muqdisho.
Dilka koowaad ayaa  dhacay xalay intii u dhaxeysay Salaadii Maqribkii iyo cishihii waxa uu ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha qeybta Khudaarta ee xigta degmada hodan,waxana la sheegay in rag hubeysan ay dileyn Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.
Sidoo kale isla xalay rag hubeysan ayaa Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ay dileyn askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka laanta suuq Bacaad,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in askariga uu Xarunta ilaalo ka ahaa,isla markaana rag hubeysan ay rasaaseeyeen,ka dibna dhaawac culus oo soo gaarey uu u geeriyoodey.
Dilalka qorsheysan ayaa si joogta ah uga dhacay inta badan degmooyinka gobolkan Banaadir,waxana intooda badan mas’uuliyadooda sheegtay dagaalyahanada Al-Shabaab.