Faahfaahinada weerarka Al-Shabaab ee lagu qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Waajid ayaa sheegaya inuu ahaa mid culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray. Dagaalku wuxuu dhacay xalay, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus oo cabsi iyo walbahaar ku abuuray dadka ku dhaqan degmada Waajid.
Ciidamada Itoobiya, oo weerarka kadib la sheegay inay fuliyeen duqeymo xooggan, ayaa bartilmaameedsaday goobo ay tuhmayeen inay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Khasaaraha ka dhashay duqeymahaas si rasmi ah looma xaqiijin karo.
Subaxnimadii saaka, ciidamada Itoobiya ayaa howlgallo ballaaran ka bilaabay deegaanada ku hareeraysan degmada Waajid, iyagoo baaritaanno iyo dabagal ku sameynaya goobihii lagu dagaallamay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya saakay howlgalo xoogan ka wadaan deegaanada dhaca duuleedka degmada Waajid ee gobolja Bakool.Kooxda Al-Shabaab oo war kooban kasoo saartay weerarka ay ku qaaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ee degmada Waajid, waxay sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay askar Itoobiyaan ah oo aysan tiradooda sheegin, islamarkaana sidoo kalena ay soo furateen hub iyo saanad ciidan
Weli ma jirto ilo madax-bannaan oo si dhab ah u xaqiijinaya khasaaraha labada dhinac, laakiin xaaladda gobolka Bakool ayaa ah mid weli kacsan iyadoo ciidamada Itoobiya howlgalladooda wadaan.