Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar khasaaro dhaliyey ku qaaday Bar koontarool oo Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen barta Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad kooban oo dhexmaray Ciidanka iyo ragga weerarka soo qaaday.
Inta la xaqiijiyay lix Askari oo kamid ahaa Ciidankii joogay Koontaroolka ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balcad, halka Askar kalena dhaawacyo soo gaareen, iyadoona iska horimaad daqiiqado kooban socday uu dhexmaray labada dhinac
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ragga hubeysan ee weerarka soo qaaday ay saarnaayeen gaari shacab ah oo markii ay tageen Koontaroolka mar qura rasaas xoogan ku bilaabay Ciidanka halkaas joogay, kadibna goobta isaga tageen dableyda.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan degmadaas oo ay uga hadlayaan weerarka khasaaraha dhaliyey ee dhacay duleedka Waqooyi ee degmada oo kamid ah meelaha laga ilaaliyo Magaalada
Si kastaba qarax miino ayaa todobaadkii hore ka dhacay Maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay dad ku sugnaa maqaayadda la qarxiyey.