Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.
Shilkaan ayaa waxa uu yimid, kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen illaa afar ruux, waxaana dad la hadlay warbaahinta ay sheegeen in gaariga oo ku socday xawaare sare uu mar qura wadada ka baxay.
Hal qof oo lagu magacaabi jiray Axmed Bakaal oo ahaa Guddoomiyihii Midowga Ardayda degmada Guriceel ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay shilka gaari ee xalay ka dhacay, halka sidoo kalena laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay isbitaalka magaalada.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa sidaan oo kale magaalada Guriceel iyo deegaano kale oo kamid ah maamulka Galmudug uga dhacay shilal geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac lahaa, inta badan shilalka ayaa loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare loo kaxeeyo.