Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Bambaano o Goordhow ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.
Qarax Bambaano ka hor ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaaliya ay ka shakiyeen Nin watay Bac madoow,hayeeshee uu cararay markii ay Ciidamada ka shakiyeen.
Qof ku sugnaa Goobta ayaa u sheegay Dalsan in Ninka watay Bac madowda ay Ciidamada iyo dad Shacba ah eryadeedn,balse Bambo uu ksuoo tuuray taas oo jugta qaraxeeda laga maqlay degmada Waaberi iyo degmooyinka ku dhow.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Bamka aysan ka dhalan wax khasaaro ah,isla markaana Ninkii bamka tuuray uu goobta ka baxsaday.
Degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amnidaro,iyada oo xalay howlgal dad badan lagu soo qabtay laga sameeyay degmadaas.