Faah faahino ayaa laga helayaa burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah oo fiidnimadii xalay gudaha Magaalada Cape Town ee dalkaas fal isugu jiray dil iyo dhaawac ugu geysatay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa goobo Ganacsi.
Weerar loo adeegsaday qoryo ayaa lasoo weriyay in lagu qaaday laba Dukaan oo iska soo horjeeda oo ay lahaayeen laba Muwaadin Soomaali ah, wuxuuna weerarka sababay dhimashada uu ka dhacay xaafada Lwandle/Nomzamo ee deegaanka Strand.
Burcada hubeysneyd ayaa dishay Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde oo ahaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo Ganacsi ku lahaa dalka Koonfur Afrika, sidoo kalena waxaa la dhaawacay saddex Muwaadin kale Soomaali ah.
Muwaadiniinta dhaawacantay ayaa durbadii loola cararay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Cape Town oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo, burcada hubeysan ee weerarka geysatay ayaa durbadii goobta isaga tagtay, mana jirto cid loo qabtay falkaas.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore ka dhacay dalkaas dil loo geystay Dhalinyaro Soomaali ah oo goobo Ganacsi ku lahaa dalkaas.