Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal ayaa kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ku dileen Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Marxuumka ayaa xiligii la dilayay waxaa uu watay gaari uu adeeg ku siday, isla markaana waxaa la toogtay, xili uu marayay waddo mashquul badan ka jiray, waxaana goobta uu falku ka dhacay isaga baxsaday kooxihii ka dambeeyay falkaas khaarijinta ahaa.
Howlgal lagu baadi goobayo ragga hubeysan ee dilka geystay ayey duba Ciidamada  Booliska Koonfur Afrika bilaabeen, iyagoo ku raad-jooga dableeydii toogashada u geeystay Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu magacaabi jiray Mowliid Xuseen.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dhibaatooyin kala duwan loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku Ganacsata, waxaana sanadkaan guhiisa Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku lahaa goobo Ganacsi.