Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe  ee Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay saddex qof oo ganacsato ahaa, kuwaasi oo kamid ahaa ganacsato laga yaqaanay Gobolka.
Rag hubeysan oo sida la tilmaamay maleeshiyo beeleed ahaa ayaa ganacsatada ku dilay tuulo lagu magacaabo Diinlaabe hoostagta degmada Mahadaay, xilli ay joogeen hal goob, iyagoona u geeriyooday rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.
Illaa iyo hada lama oga sababta loo dilay saddexda ruux ee ganacsatada, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa ku warramay in kooxihii dilkaasi geystay ay ka baxsadeen aaga uu falka ka dhacay.
Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa sidaan oo kale dilal qorsheysan iyo Weerarro uga geystay maleeshiyo beeleed hubeysan, waxaana inta badan falalkaasi ay salka ku hayeen arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo horey u dhacay.