Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku Qaaday fariisin Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Weerarkaan ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay Koontoroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso intaas kadibna uu dhacay dagaal mudo kooban socday side ay sheegeen dadka Magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 4 ruux halka Sagaal kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jira Shacab iyo Ciidamo.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay balse ilaa iyo hadda aysan ogeyn cida weerarka ku soo qaaday Ciidamada.
Xaalada Boosaaso ayaa haatan ah mid degan iyada oo koontoroolkii lagu dagaalamay ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Maamulka Puntland.
Weeraro dhowr ah oo ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan Puntland ayaa waxaa horay masuuliyadooda u sheegay Kooxda Daacish iyo Al-Shabaab.