Faah faahino ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn Maanta ka dhacday degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo ah maleeshiyaad deegaanka.
Ciidanka dowladda ee Maamulka degmada Raage-ceelle ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen ragga hubeysan oo Isbaaro dhigtay qeyb kamid ah degmada, isla markaana waxaa raggaas lagu eedeeyay inay lacago ka qaadeen gaadiid safar ahaa.
Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in ay beegsadeen koox Isbaaro dhigatay oo loo xaal waayay, halka dhalinyarada la wareerayna ay sheegeen in ay diidan yihiin maamul xumo ka jirta degmada Raage-ceelle Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.
Ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara waxa uu salka ku haayo dagaalka labada dhinac ee Maanta dhacay, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba ruux, halka tirro intaas kabadana ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Shaqaaqadii maanta ka dhacday degmadaas ayaa daba joogto mid kale oo todobaadkii hore ka dhacday degmadaas Raage-ceelle, taasoo sababtay dhaawaca dhowr qof, mana jiro war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada iyo Gobolka oo ku aadan falkaas dhacay.