Faah faahino ayaa laga helayaa tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafaddo ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan xaafadda Tarabuush, sida ay ku warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Jugta illaa afar hoobiye ayaa laga maqlay degmooyinka Wadajir, Dharkeenley iyo Kaxda, waxaana hoobiyaha ku dhacay xaafadda Tarabuush uu khasaaro gaarsiiyay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa hoygooda.
Sawirro laga soo qaaday xaafadda ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku yaalla xaafaddaas oo uu hoobiyuhu ku dhacay. Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa inta badan sheegata masuuliyada weerarada madaafiicda loo adeegsado ee ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxa ayna madaafiicdan inta badan waxyeelo u geesataa dadka shacabka ah.