Qarax lagu soo xiray gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomeyda ayaa dhowr daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan gudaha Suuq weyn ee Bakaaraha.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas lagu soo xiray gaariga uu sigaar ah uga dhacay qeybta lagu iibiyo Daawada ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona dadka joogay Suuqa ay jugtiisa maqleen.
Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana gaariga la qarxiyey ee Hoomeyda uu ahaa mid siday Daawo farabadan oo lagu soo raray, taas oo uu waday goob lagu iibiyo Daawooyinka, isla markaana waxaa gaariga gaaray burbur.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa si dhaqsi ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga, sidoo kalena halkaas ka sameeyay baaritaano la xiriira qaraxaas dhacay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo lagu soo xiro gaadiid iyo kuwo Is-miidaamin ah oo goobo lagu weeraro, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.