Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay deegaanka Yaaqxaluul oo hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo safar ahaa
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dadkii saarnaa gaariga la qarxiyey, waxaana ku dhaawacmay illaa saddex qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga, kuwaasi oo qaraxa kadib la geeyay Isbitaal oo lagu dabiibayo.
Dadka deegaanka Yaaqxaluul ayaa jugta qaraxa kadib gaaray goobta, isla markaana gurmad u sameeyay shacabka waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, dadkaas ayaa waxaa la sheegay inay kusii jeedeen Kismaayo, gaariga ayaan burburay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Maamulka Jubbaland iyo Ciidamo kale oo kamid ah Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa ka howlgala Jubbada Hoose ayaa tegay degaanka Yaaqxaluul, kuwaasi oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey degaanka.
Qaraxyo miinooyinka ayaa marar kala duwan waxaa ay ka dhaceen deegaano hoostega Magaalada Kismaayo, waxaana xiliyada qaarkood qaraxyada ay qabsadaan gaadiid ay saaraan yihiin shacab ah oo safaro u ah deegaano iyo degmooyin ka tirsan Jubbaland.