Shabeellaha Hoose & Jubbada Dhexe – Duqeymo culus oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil sare iyo dagaalyahano, sida ilo-wareedyo amni ay xaqiijiyeen.
Duqeymaha ayaa sidoo kale lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyo waaweyn, kuwaas oo la qorsheynayay in laga fuliyo qeybo ka mid ah dalka.
Wararka laga helayo Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Haway lagu duqeeyay koox ka tirsan Al-Shabaab oo ku howlanaa diyaargarowga weerarro ay damacsanaayeen. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in maleeshiyadu ay wadeen waxyaabaha qarxa oo loo waday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Sablaale oo ka tirsan isla gobolkaas ayaa duqeyn lagu dilay saraakiil ajaanib ahaa oo Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka weerarrada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhanka kale, deegaanka Xaramka ayaa ka mid ah goobaha la duqeeyay, waxaana la bartilmaameedsaday xarumo Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyo waaweyn.
Sidoo kale, duqeyn kale ayaa laga fuliyay deegaanka Arbacoow, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno ajaanib ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jiray saraakiil amniyaad ah iyo xubno muhiim u ahaa kooxda.
Mudooyinkii dambe, waxaa sare u kacay duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka ee lala beegsanayo saraakiisha Al-Shabaab iyo xarumahooda, taasoo keentay khasaare ba’an oo soo gaaray kooxda.