Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Askariga la dilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse,waxaana la sheegay in xiliga uu dilka dhacaayay uu askariga ku sugnaa maqaaxi lagu shaaho uu ku taalla Isgoyska Sanca,iyadoo ragii dilka ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,waxaana halkaasi ay ka qaadeen meydka askariga la dilay.
Dhinaca kale dad goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dhaawac uu soo gaaray mid kamid ah ragii dilka u geystay askariga lagu toogtay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir .