Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Prado ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah lala beegsaday gaariga ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, xili ay marayeen inta u dhaxeysa Laamiga aargada Deyniile iyo Isgoyska Sii-Sii.
Inta la xaqiijyay hal askari oo kamid ahaa Ciidankii saarnaa gaariga ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo labo kamid ah yihiin Shacab, isla markaana waxaa durbadii dadka waxyeelada dhaawaca soo gaaray la geeyay Isbitaal.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray aaga, waxaana markii dambe halkaas isaga tegay Ciidamada, sidoo kalena furay wadada laamiga ah ee Aargada degmada Deyniile oo ay xireen.
Al-shabaab ayaa sheegta qaraxyada noocaan oo kale ee ka dhaca Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona dhowr jeer oo horey gudaha Magaalada iyo duleedkeeda qaraxyo kula beegsaday gaadiid ay la socdeen Ciidanka dowladda.