Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masjid dowlada turkiga ka dhistay Xaafadda Jamhuuriyo ee Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay  4 ruux oo isugu jira shacab iyo Ciidan.
Waxaa la sheegay in rag hubeysan oo watay Gaari noocda raaxada ah ay dilka u geysteen dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,isla markaana goobta kabaxday ragii ka dambeeyay dilka.
Dadka deegaanka Xaafadda Jamhuuriyo ee Degmada kaaraan ayaa waxa ay sheegeen in rag hubeysan ay rasaas la dhaceen shacab iyo ciidan oo xiliga dilka u dhacayay ku sugnaa Xaafadda Jamhuuriyo.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo goobta ka qaaday Meydadka afarta ruux ee isugu jirya shacab iyo Ciidan,iyagoo goobta ka bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan ragii ka dambeeyay falkan ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Dilkan ayaa ku soo aadaya xili maanta dabley hubeysan oo watay Mooto ay dil iyo dhaawac u gesyteen labo qof oo shacab ahaa oo mid kamid uu yahay Oday Da’ah, kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Jamaacadda Simad ee Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.