Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo aroornimadii hore ee Maanta oo sabti ah Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidanka Boolis Milataaro ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Busley, oo ku dhaw deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka ka bilowday dagaal culus oo dhexmaray ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa Busley iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxaana dagaalka iyo weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh
Ciidanka dowladda oo isugu jiray Nabadsugid, Duufaan iyo kuwa Boolis Milataaro ayaa la sheegay in si adag isaga difaaceen weerarka Al-Shabaab, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo saldhiga joogay.
Dagaalka waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar katirsan ciidanka dowladda, waxaana dadka dagaalka lagu dilay kamid noqday sargaal katirsanaa Booliisa Milataare oo lagu magacaabayay Liibaan Golcad, kaa oo si weyn looga yaqaanay Muqdisho iyo duleedkeeda.
Sarkaalka la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha hoggaamisa ciidanka xasilinta caasimadda Muqdisho ee Booliisa Milataaro, waxa uuna sarkaalka door weyn ku lahaa xasilinta ammaanka magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay mas’uuliyada weerarkii saaka ka dhacay deegaanka Busley, oo ku dhaw deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeellaha Hoose.