Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay tirro hoobiyeyaal ah oo fiidnimadii Caawa kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Jugta ilaa iyo lix Madfac ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay Hotelka Muna oo u dhow Beerta nabada, isla markaana Kaabiga ku haayo Madaxtooyada.
Sidoo kale dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Madaafiicda ku dhaceen agagaarka Iskuulka Raage Ugaas, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Caawa kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyadda dalka iyo halka laga soo tuuray, iyadoona jugtooda laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir
Dowladda ayaan welin ka hadlin weerarka Madaafiicda ahaa, waxaana xusid mudan in falkaan uu kusoo aaday, iyada oo maanta Qarax Is-miidaamiin ah lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, balse uu ka badbaaday, sidoo kalena uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.