Daraasiin ruux ayaa ku wax noqday dagaal xooganaa oo maanta ciidamada Maamuladda Puntaland iyo Galmudug ku dhexmaray Magaaladda Gaalkacyo.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay in uu arkay meydadka ilaa Saddex ruux iyo dhaawacyo gaaraya Afar qofood.
Dagaalka ayaa waxaa uu ku bilowday rasaas goos-goos ah kaasoo markii dambe isku bedelay dagaal culus.
Ma jirto war kasoo baxay Maamuladda labada dhinac, balse dagaaladda noocaan oo kale ah, Â ayaa ku soo noq noqda gudaha Magaaladda Gaalkacyo.
Wixii kuso kordha halkaan kala soco.