Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyey duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Qeydar-Cadde, oo 30km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur.
Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyey in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay, isla markaana khasaare culus ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab. Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa la wareegay saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaankaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay in kooxda laga saaro aagga.
Xaaladda guud ee deegaanka ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayo aagga degmada Xudur. Ciidamada dowladda ayaa wada diyaar-garow ku aaddan in ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo qorsheynaya inay sii xaqiijiyaan ammaanka gobolka Bakool.
Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga soo saaro khasaarihii iyo guulaha la gaaray howlgalka, maadaama ay ciidamada dowladda ku guda jiraan xaqiijinta deegaannada cusub ee ay la wareegeen.