Faah Faahinno dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal xoogga oo ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Mudug, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkaasi.
Dagaalka oo  Xalay dhacaya yaa u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuywa degaanka oo isku dhinac ah iyo dagaalamaayasha AL-Shabaab.
Dagaalka oo ka dhacay dhulka howdka ah ee degaanka Shabeeloow ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa dhacay Xalay sida wararku sheeegayaan, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalkaasi.
Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi ay ka qayb qaateen diyaaradaha dagaalka, oo sida la sheegay duqeeyay goobo ay ku sugnaayeen AL-Shabaab.
Weli lama helin khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, balse Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay inay guulo wa aweyn ka gaareen, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Koofurta Mudug ka socday dagaaallo Culus, iyadoo dhawr jeer la weeraray dhulka Howdka ah ee ay ku sufgan yihiin dagaalamaayasha AL-Shabaab.