Madaxda Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Waaxda Siyaasadda ee Xafiiska ay ku leeyihiin dalka Kenya, Uwe Wisseenbach ayaa sheegay inay 11 million oo Euro ugu tala-galeen Barnaamijka Tababarka Ciiddamadda ee dalalka Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Uganda, Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Mas’uulkaasi ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shir looga hadlayo La-dagaalanka Xag-jirnimadda oo shalay ka furmay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Midowga Europe doonayaan  inay si wadajir ah isugu keenaan Hay’addaha Ammaanka ee dalalka Bariga Afrika, si loo xoojiyo Hay’addaha Sharciga iyo Garsoorayaal baaritaano ku sameeya Dembiyadda.
Kharajka loogu yaboohay Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ayaa la sheegay in looga dan leeyahay in sare loogu qaado Aqoonta Hay’addaha Ammaanka ee dalalkaasi iyo inayka hortagaan weeraradda Alshabaab.
Dowladaha ku mideysan  Midowga Europe waxay kaloo sheegeen inay  Hay’addaha Ammaanka ee Bariga Afrika ka taageeri doonaan Tababaradda La-dagaalanka Alshabaab, iyadoo ay sii kordhayso cabsida ay Dowladahaasi ka qabaan Alshabaab.
Dowladda Kenya ayaa waxa haystaa cadaadiska ugu daran ee Dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana la filayaa inay dhawaan soo saaraan Istaraatijiyadda cusub ee Ammaanka iyo  La-dagaalanka Xag-jirnimadda.
Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab kaga falcelinayaan Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Somalia waxay sababtay inay in ka badan 400 oo qof lagu dilo gudaha dalka Kenya labadii sanno ee la soo dhaafay.
© Warqabadka Radio Dalsan