Ra’isul-wasaarah Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inay Eritrea ka qaadi doonaan tallaabadda lama huraanka ah, haddii aysan joojinin deganaansho la’aanta ay ka wadaan Mandiqadda.
Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Barlamaanka Ethiopia, wuxuuna ku eedeeyey Dowladda Eritrea inay weli sii wadaan falaalka lagu carqaladeynayo Ammaanka iyo Nabadda Ethiopia.
Waxa kaloo uu ku celiyey eedeymaha lagu sheego inay Dowladda Eritrea taageero toos ah iyo mid dadban siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu tilmaamay in ay Dowladda Eritrea qalab ka dhiganayso deganaansho la’aanta si ay dareenka dadkeeda uga weeciyaan deganaanshaha la’aanta gudaha Eritrea iyo inuu Maamulkooda ku sii waaro.
Hailemariam Desalegn waxa uu u sheegay Xildhibaanadda inay diyaar u yihiin inay wada-xaajood nabadeed la galaan Madaxda dalkaasi, si loo soo celiyo xiriirka labada dal.
Wuxuuse carrabka ku dhuftay inaysan jirin calaamad muujinayso  inay Eritrea danaynayaan inuu Gobalka helo nabad buuxda.
Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea waxa dhex maray dagaal socday muddo labo sanno ah, oo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 70,000 oo qof.
Sannadkii 2009-kii, QM waxay xayiraad ku soo rogeen Eritrea oo lagu eedeeyey inay Taageero Dhaqaale siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, inkastoo ay Dowladda Eritrea beeniyeen arrinkaasi.
Xigasho: SudanTribune
Â
© Radio Dalsan