Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Ethiopian Herald ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axxmed Madoobe oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Addis Abeba.
Tedros Adhanom waxa uu tilmaamay inay Dowladdiisa kaalin dhexe ka ciyaarayso Deganaanshaha Somalia, isla markaana ay sii wadayaan dadaalkaasi ilaa uu dalka Somalia ka noqonayo Waddan Xasilloon.
Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda inay si wadajir ah uga shaqeeyaan Deganaanshaha dalkooda.
Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Ethiopia sii wadayso dadaalka loogu jiro Deganaanshaha Jubbaland, isla markaana ay Maamulka Jubbalnad kala shaqeynayaan Nabadda Guud ee Somalia.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay inuu Maamulkiisa doonayo inuu Dowladda Ethiopia kala shaqeeyo Badbaadinta guud ahaan Somalia, gaar ahaan Jubbaland ka taageeroDagaalka lagula jiro Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Unugyadda lidka ku ah Nabadda “ Anti-peace elementsâ€.
©Radio Dalsan                         Â