46 Maxbuus oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga ee Ethiopia ayaa waxaa shalay oo Jimco ahayd laga sii daayey Xabsiga lagu magacaabo
The Barentu prison oo ku yaalla Gobalka Gash-Barka ee dalka Eritrea.
Maxaabiistaasi waxay Xabsiga Eritrea ku xirnaayeen muddo u dhexeyso 2 bilood ilaa in ka badan Hal sano.
Inta badan Maxaabiistaasi ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan Degmada Tahtay Adiyabo ee Gobalka Tigrayga ee dalka Ethiopia, waxayna Degmada
Tahtay Adiyabo dhanka Waqooyi xuduud la wadaagaan dalka Eritrea.