Volker Perthes oo ah Dibloomaasi u dhashay dalka Jarmalka ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.
Ergayga oo Khudbadiisii u dambaysay maanta u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa  waxa uu ka digay inuu Dagaalka ka socda Sudan uu horseedi karo Dagaal Sokeeye oo dhamaystiran (full-scale civil war).
Is-Casilaadiisa ayaa timid, iyadoo ay Dowladda Sudan ku dhawaaqday bishii June 8-dii ee sanadkan inay Ergaygaasi u aqoonsadeen Shaqsi aan laga sii jeclaan doonin dalka Sudan (persona non grata).
Qoraal uu Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan u diray Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayuu ku sheegay inuusan Ergayga dhexdhexaad ka ahayn Colaada dalkaasi.