Ergayga Gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa kullan muhiim ah la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Ibraahim Mete Yagli, kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhimadda ay leedahay dib u billaabida wada-hadalladii DFS iyo Somaliland.
Ergayga ayaa si mugg leh uga mahadcelinayay Safiirka doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadalladii hore, waxaana uu la wadaagay in DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Wadahadallada Somaliland.
Safiirka ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dedaalada dowladda, waxaana uu Ergayga u muujiyay garab istaag buuxa.
Goor hore ee Maanta ah ayuu Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga YURUB Mrs Tiina Intelmann.
Kulanka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda FS & Somaliland.
Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.