Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn.
Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani.
Hoggaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Baghdad kulamo kula yeesho Sudani iyo madaxweyne Abdel Latif Rashid, kahor inta aanu booqan saraakiisha Arbil, oo ah caasimadda gobolka is-maamulka woqooyi ee Kurdistan.
“Ciraaq iyo Turkey waxay wadaagaan taariikh waxayna leeyihiin isu ekaansho, dano iyo fursado, laakiin sidoo kale dhibaatooyin,” ayuu Sudani yiri mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday Golaha Atlantic ee magaalada Washington oo uu dhowaan booqday.
“Biyaha iyo amniga ayaa ah ajandaha ugu sarreeya,†ayuu yiri mar uu ka hadlayay kulanka Erdogan, oo markii ugu dambeysay booqday Ciraq 2011.