Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan ayaa waxa uu Maanta khamiis ah booqanayaa dalka Iiraan, si uu uga qeyb galo Aaska Qaran ee loo samaynayo Madaxweynihii dalkaasi, Ibrahim Raisi.
Afhayeenka Xisbiga AK Party ee dalka Turkiye,  Ömer Çelik ayaa shaaciyey inuu Erdoğan maanta u safri doono dalka Iiraan, sida uu baahiyey Telefishinka Turkish-ka ee TV 5.
Docda kale, Madaxweyne-Ku-Xigeenka dalka Türkiye, Cevdet Yılmaz oo u wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Hakan Fidan waxay ka qeyb galeen Munaasabadda Rasmiga ee lagu maamusayey Geerida Madaxweynaha dalka Iiraan, Ibrahim Raisi oo maanta lagu qabtay Caasimadda Tehran.
Dhinaca kale Madaxda Shisheeyaha ee Tehran u jooga inay ka qeyb galaan Munaasabadda Aaska Qaranka ee loo sameynayo Madaxweyne Ibrahim Raisi ayaa kala ah: Amiirka dalka Qatar, Hoggaamiyaha Qaran ee dalka Turkmenistan, Madaxweyneysasha dalalka Tunisia iyo Tajikistan, Ra’isul-wasaarayaasha dalalka Iraq, Pakistan, Armenia, Qatar, Azerbaijan iyo Madaxda Barlamaanada dalalka Iraq, Raashiya, Algeria, Uzbekistan, Kazakhstan iyo Lubnaan.