Xulka Qaranka Egland ayaa xalay iska Xaadiriyay kama-dambeysta Tartanka Euro 2024 oo si habsami leh uga socda dalka Germanay, kadib cayaar xiisa badan oo ay la cayaareen qaranka Netherland ama Holland.
Kulankaan oo ahaa kulan si gaar ah isha-loogu hayay, isla markaana labada dhinac ay si weyn ugu diyaargaroobeen ayaa ka dhacday Garoonka SIGNAL IDUNA PARK ee ay ku cayaarto kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund.
Cayaarta oo u muuqatay mid isku dheelitaran labada dhinacna ay ku jireen feejignaan dheeraad ah ayaa 20 kii daqiiqo ugu horreysay labada dhinac ay iska gaareen shabaqyada, waxaana daqiiadii 9aad shabaqa soo taabtay laacibka lagu magacaabo Xavi Simons, balse 9 daqiiqo kadib oo ah daqiiqadda 18aad ee cayaarta, waxaa garba siman sheekada ka dhigay Harry Kane, kaasi oo goal u sarrifay Rigoore u muuqatay mid garsoorku ku deg degay oo muran bandan uu hareeyay, waxaana sidaasi qaybtii hore cayaartu ku noqotay 1-1.
Macalimiinta labada Qaran ee Netherland iyo Egland ayaa sameeyay bedelo, balse macalin Gareth Southgate ayaa ugu dambeyn si weyn ugu faa’iiday isbedelkii uu ku sameeyay shaxdii markii hore uu kusoo galay cayaarta.
Waxaana daqiiqaddii 90aad ee cayaarta uu helay goallka guusha, kadib darbad xooggan oo ka timid Laacibka lagu magacaabo G. Witkins kaasi oo caawin ka helay Cole Palmer oo isna bedel kusoo galay cayaarta.
Qaranka Egland ayaa 14 ka bishaan wajihi doona Spain oo horay isaga xaadirisay kama dambeysta Finalka Euro 2024, waxaana labada xul sanadkaan ay wataan laacibiin da’yar ah oo wacdaro cajiib ah dhigaya sanadkaan.