Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ka jirtaa gudaha Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo Maanta barqadii askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dilay mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajta,kadib markii ay isku-khilaafeen bixinta $15 oo Maamulka uu ku soo rogay Darawalada Bajaajta.
Dilka kadib ayaa Darawalada Mooto Bajaajta ee ku dhaqan Baladweyne iyo shacab kale waxa ay dhigeyn banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkaas,waxaana ay sheegeen in aan meydka la’aasi doonin.
Weli waxa xiran Wadada dhex marta bartamaha Magalada Baladweyne meel u dhow Saldhiga Booliska oo ah halkii uu ka dhacay dilka Marxuum Yaasin Cali Saney.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Saldhiga Booliska Baladweyne uu ku xiran yahay askarigii ka dambeeyey dilkaas,isla markaana Ehelada Marxuumka ay sheegeen in aan la’aasi doonin ilaa Cadaalada lahor-keeno loona toogto askarigii ka dambeeyey dilkaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee Caawa aan Baladweyne ka heleyno wax ay sheegayaan in uu yar yahay isku-socodka dadka iyo gaadiidka,isla markaana Goobaha Ganacsiga qaarkood ay xiran yihiin.