Maxkamada G/Banaadir oo maanta bilaabeysa dhageysiga maxkamadeynta Sayid Cali Macalin Daa’uud oo xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamed gubay taas oo ugu dambeyn geeriyootay.
Luul waxey weli iyadoo meyd ah ku jirtaa Ferinjeer,Qoyskeeda ayaa diiday in la aaso inta laga maxkamadeynayo ninka gubay
Eedeysanaha ayaa si rasmi ah maanta loo horkeenayaa maxkamada G/Banaadir, Waxaana dhageysiga kiis dacwadeedkaan ka qeybgalayo ehelada labada dhinac,Dadweyne,Qaree8no iyo Xeer ilaaliyaal. Waana kiiska ugu hadal heynta badan guud ahaan dalka
Go’aanka  Maxkamadda G/Banaadir ka gaari doonto kiiska Sayid Cali ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaan ahoray ehelada marxuumad Luul ay sheegeen Gabadhooda aysan aasi-doonin ilaaay caddaalad ka helaan, waxaana wali yaalla Meydka Marxuumadda.