Barqanimaddii maanta waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde soo caga-dhigatay Duullimaadkii ugu horreeyey ee Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air Djibouti.
Munaasabad ballaaran ayaana lagu qabtay Garoonka, waxaana ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka, Safaaradda Jabuuti iyo marti sharaf kale.
Madax ka socotay Shirkadda Air Djibouti ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Duullimaadyadda Rakaabka ka bilaabaan magaalladda Muqdisho, waxaana la filayaa inay isbuuciiba dhowr jeer diyaaraddu ka soo degto Garoonka Aadan Cadde.
Rakaabkii ugu horreeyey ee la socday Diyaaradda Air Djibouti ayaa sheegay inay u riyaaqsan yihiin Duullimaadka Air Djibouti, waxayna xuseen inay Air Djibouti ka mid tahay Shirkadaha ugu caansan Qaaradda Afrika, isla markaana xiriir fiican la leh Shirkadaha Diyaaradaha iyo Garoomadda Caalamiga.
©Radio Dalsan