Odayaasha dhaqanka Mudulood, oo uu horkacayay Imaamka Guud ee Mudulood, Imaam Daahir, ayaa xaalmarin iyo duug ku wareejiyay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyo odayaasha kale ee dhaqanka beeshaasi.
Kulanka oo ka dhacay guriga Ugaaska Xawaadle ayaa la xiriiray dilal dhowaan loo geystay askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kasoo jeeday Beesha Xawaadle.
Duubabka Mudulood ayaa gogosha geeyay xaalmarin lacageed oo dhan $100,000 iyo $30,000 oo duug ah, iyaga oo ka garaabay falkii foosha xumaa ee lagu dilay askarta. Imaam Daahir, oo madasha ka hadlay, ayaa si qiiro leh uga hadlay sida beesha Xawaadle ugu dulqaadatay dhibaatada dhacday. “Walaalaheen dhibkii dhacay siday ugu sabreen waa taariikh baal dahab ah ku qormi doonta,” ayuu yiri Imaamka Guud ee Mudulood.
Odayaasha Mudulood waxay sheegeen in kulanka xaalmarinta ahi yahay bilow, isla markaana ay jiri doonaan kulamo kale oo labada dhinac yeeshaan, si loo sii xoojiyo xaalmarinta iyo heshiisiinta ka dhalatay dhibaatadii soo martay askarta lagu laayay qaab qabiilaysan.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Beledweyne lagu aasay askartii dhawaan la dilay, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo si adag u cambaareeyay falkaasi, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.
Tallaabadan ay qaadeen odayaasha Mudulood ayaa loo arkaa mid ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed ee xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta xiriirka walaalnimo ee qabaa’ilka, iyadoo rajada laga qabo in ay horseeddo midnimo iyo nabad waarta oo dhex marta labada beelood.